Latest Activities & News

RAASHIN QEYBIN LOO SAMEEYEY 400 OO NAAFO AH

4tii july 2013 waxaa raashin loo qeybiyey in ka badan 400 oo naafo ah kuwaas oo ku dhaqnaa ama daganaa magaalada muqdisho . naafadan ayaa ka koobneyd labo nuu c o kala ah naafada garguurata iyo midda indhaha la, xafiska awoodsinta naafada soomaaliyed ee SODEN oo ah midka kali ah ee ka soo shaqeeyey in dadkaan ay wax helaan ayaa aad iyo aad ugu mahad celiyey shirkada  hormuud foundation oo ah midda ayada bixisay raashinka lacagta badan ku baxday ayadoo waliba qof kasta oo ka mid ahaa dadkaas naafada ah loo saaray taxi geynaayo gurikiisa asaga iyo raashinkiisa ayaa hadana waxaa la siiyey lacag dheeraad ah oo qof walba oo ka mid ah la siiyey 200 shilinka somaliga ah howshaan raashin qeybinta ah ayaa waxaa ka soo shaqeeyey in badan soona aruuriyey dadkan naafada ah xafiska awoodsinta naafada somaliyed ee SODEN aydoo lagu soo xulay sida ay ugala liidaan dadka nafada ah waxayna isugu jireen rag iyo haween iyo . Somali Disability Empowerment Network SODEN markasta waxay garab istaagan tahay dadka naafada ah ee soomaaliyed SODEN waa halka hay,ad ee hadda si tooska ah ugu shaqeyso dadka naafada ah ee soomaliyed anagoo rajeynayno haddaanu nahay SODEN inaan sii wadi doono howshan aad ka u adag kana shaqeyn doonno horimarinta iyo dhiiri galinta dadka naafada ah ee soomalyed.f1

(Visited 400 times, 1 visits today)