Latest Activities & News
Ururka Haweenka Naafada Soomaaliyeed ee SOWDA oo Qabtey Wajigi Saddexaad Siminaar ku  saabsan ku dhiiiragelinta Waxbarashada.
Diplomatic Hotel

Ururka Haweenka Naafada Soomaaliyeed ee SOWDA oo Qabtey Wajigi Saddexaad Siminaar ku saabsan ku dhiiiragelinta Waxbarashada.

Waxaa Hotelka Dipolomatic ee Magaalada Muqdisho laga qabtey Wajigii Sadexaad ee Siminaar ku saabsan sida Haweenka Naafada ah  uga qayb qaadan lahaayeen ama uga muuqan lahaayeen Waxbarashada waxaana Siminaarkaas soo qabanqaban qaabiyey Ururka Haweenka Naafada Soomaaliyed ee SOWDA (Somali Women Disability Association)  waxana siminaarkaa ka qayb galey qaybaha ka duwan ee Bulshada , Haweenka Naafada , Gudoomiyaha Cusub ee Degmada Hodan  iyo Marti Sharaf ale .

Siminaarkaan oo Saddexdii Biloodba mar la qabto ayaa waxa ugu horeyntii ka Hadley Maxamed Cali  Faarax oo la taliya Ururka Sowda ayaa sheegey in siminaarka ujeedkiisu yahay sida Bulshada looga baahan yahay in Haweenka Naafada ama Caruurta Naafada loogu dhiiragelin lahaa Waxbarashada taasoo uu sheegey in aysan ku baraarugsaneyn inta badan Bulshada Somaaliyeed , waxaa uu sheegey in Siminaarkaa mudadaas uu socon doono loogu talagaley qaybaha kala duwan ee Bulshada si Caruurta Naafada loogu dhiirageliyo Waxbarashada

Xubnihii kale ee alkaa ka Hadley waxaa ka md ahaa Gudoomiyaha Degmada Hodan Xaawo Kiin Maxamuud Cali, waxay sheegtey in Dowladda Federaalka looga baahan yahay in ay gacan siiyaan Dadka Naafada oo ay sheegety in ay Door Muhiim ah ku leeyihiin Bulshada Soomaaliyeed waxay sii raacisey” Dadka Naafada ma aha naafo ee Bulshadaa naafo ka dhigtay marka waxaa loo baahan yahay in dadka Naafada ah la soo dhaweeyo lagana qayb galeyo Dhamaan Siyaasada iyo Shaqooyinka Dalka ka jira

Xildhibaan Prof Maxamed Cumar Dhalxa  oo isna halkaa ka Hadley ayaa sheegey in Diinta islaamka ay nafareyso in la Caawiyo dadka Nafada ah  waxaa uu intaa raaciyey” Marka la fiiriyo Dalalka Aduunka Dadkooda Naafada aad bay u qiimeeyaan oo u tixigeliyaan , waana Nasiibdaro in dadkii wadankaan Difaaciisa ka qayb qaatey in maanta dhabarka loo jeediyo oo si xun loola dhaqmo marka waxaa soo jeedinayaa in  loo naxariisto Dadka Naafada si ay wax u qabsadaan”  “

Shiikh Maxamed Axmed  oo Darajada Master Degree-ga haysta ahna Ruux Indhoole  oo ka mid ahaa Macalimiintii Casharada Jeedinayey Siminaarka  ayaa ku dheeraadey Taariikhdii Naaafada aduunka iyo Mida Soomaaliya isagoo  Hoosta ka Xariigqey in Dadka Naafada ah ay Aduunka ka gaareen in ay qabtaan Xilka Madaxweynha isagoo Tusaale u soo qaatey Madaxweynhii hore Indoonisya Cabdiraxmaan Waxiid  sidoo kale waxaa uu sheegey in Soomaaliya laga helayo dad Naafo ah  oo Bulshada  waxa u tarey.

Waxaa kaloo halkaa ka Hadley kana mid ahaa Macalimiintii wax ka dhigayey Siminaarkaas  Cabdulaahi Cumar Xuseen i ayaa si aad ah u faahfaahiyey  Caqabadaha kala diwan ee hortaagan in la caawiyo dadka Naafada , sidoo kale waxaa uu sheegey in Bulshada iyo Dowlada looga baahan yahay in ay jeexaan  Istaraatiiyad kor loogu qaadayo in dadka naafada ay wax qabasadaan maadaama ay yihiin dad ka dhex  Muuqda Bulshada Dhexdeeda

Diplomatic Hotel

Diplomatic Hotel

Ugu dambeyntii waxaa halkaa ka Hadley  Gudoomiyaha Ururka Haweenka Naafada Soomaaliyeed ee SOWDA (Somali Women Disability Association) Basiiro  Cabdi Maxamed oo u Mahadcelisey  intii ku gacan siisey Hirgelinta Siminaarkaa  ku saabsan  in Haweenka Naafada lagu dhiirageliyo Dhinaca Waxbarashada taasoo ay sheegety in  Haween fara badan  oo naafo ah ay heli lahaayeen fursado Waxbarasho sidoo kale waxay u Mahadcelisey Haya’adii ku gacan siisey Tababarkaan ee ABILIS FOUNDATION

National Somali Women , Batula Ahmed

National Somali Women , Batula Ahmed

15

(Visited 337 times, 1 visits today)