QAAR KA MID AH NAAFADA SOMALIYED OO KULAN XASAASI AH KU YEESHAY MAGAALADA MUQDISHO.

Share on facebook
Facebook
Share on twitter
Twitter
Share on linkedin
LinkedIn

maalintii arbacada aheyd ee lasoo dhaafay 28/08/2013 ayaa waxaa kulan ballaaran wada yeeshay in ka badan 5 urur oo naafo ah kuwaas oo ah kuwa ka shaqeeya magaalada muqdsiho iyo gobalada koonfured ee Soomaaliya.

kulankaan ayaa waxaa looga hadlaayey arimaha horimirinta naafada Soomaaliyeed sidoo kale waxaa uu ahaa kulan wada tashi ah kaas oo ay soo qaban qabisay hayada Awoodsinta Naafada Soomaaliyed ee SODEN iyo machadka naafada ee IEDP . kulankaan ayaa waxaa la iskula soo qaaday arimaha ay u horreeyaan sameynta hal Dallad ama network kaas oo ay ku mideysan yihiin dhammaan naafada Somaaliyed . waxaa kaloo looga hadlay in barlamanka faderalka soomaaliya uu aqbalo qodobo ay isla afgarteen  dadka naafada ah kuwaas oo ah kuwa dastuuri ah si dastuurka cusub ee 2015 ka loogu soo daro xaquuqda dadka naafada ah maadama aysan hadda ku jirin dadtuurka hadda jira xuquuqda dadka naafada ah oo faahfaahsan. sidoo kale waxaa halkaas la isku waafaqay in la dhisho Dallad ay ku mideysan yihiin dhammaan naafada ayadoo dib loogu balamay sidii loo dhameestiri lahaa dalladaas naafada ah dibna la isku soo laaban doono 10 september ee soo socoto 2013 si loo turxaan bixiyo wax yaabiha ka dhiman sameynta dalladaas.

qodobadii dastuuriga ahaa ee la isku raacay ayaa waxay ahaayen ilaa 10 qodob oo u muhiim ah naafdada,waana sidan soo socoto :

Mabaadi,da guud ee dadka naafada ah soomaaliyed.

 

  1. In loola dhaqmo dadka naafada ah si xushmad iyo qadarin leh lagana ilaaliyo wax kasta oo xad gudub iyo sharaf dhac ku ah dadka naafada ah ee somaliyed
  2.  In loo fududeeyo qeybaha kala duwan ee waxbarashada si ay ula mid noqdaan bulshada inteeda kale.
  3.  In ay si fudud u isticmaali karaan kaabayaasha nolasha sida; gaadiidka suuqyada isbitaalada iyo helista warbixinada kala duwan.
  4.  Waa in la helaa luuqada dadka dhagaha la, iyo farta/qoraalka dadka indhaha la, .
  5.  Waa in la helaa qalabka u fududeynaayo dhaq dhaqaaqa dadka naafada ah ee Soomaaliyeed sida: baasikiilada naafada , Ulaha lagu boodo, Usha indhoolayaasha, iyo xubanaha gacan ku sameeska ah.
  6.  Waa in dadka naafada ah helaan fursado shaqo shaqooyinka dowlada iyo midda gaarka loo leeyahay.
  7.  In loo sameeyo guddi madax banana dadka naafada ah ee soomaliyed. Kaas oo hoostaga madaxda sare ee dalka si loo gaaro hadafka guud ee naafada Soomaaliyed.
  8.  Waa in la helaa dhul lagu daryeelo dadka naafada ah ee Soomaaliyed dhammaan gobalada dalka jamhuriyada fadaralka Somaliya.
  9.       waxaan codsaneynaa in barlamaanka laga siiyo dadka naafada ah shan xubin sharafed oo goob jog ka ahaata fadhiyada barlamaanka fadaralka Soomaaliya
  10.   dowladaha hoose iyo midda dhaxe waa in ay dadka naafada ah u  qoondeeyaan qeyb ka mid ah dakhliga soo gala3-1   

 

(Visited 255 times, 1 visits today)

More to explorer

Scroll to Top